• Wasiirka wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryaynta & kuxigeenkiisa oo kulan la qaatay gudigga uqareemida Gaadiidlayda puntland iyo ganacsato.

  • Vacancies in Puntland Ministry of Public Works, Housing and Transport

  • wasaaradda hawlaha guud oo soo gabagabaysay qiimayntii wadooyinkii roobabku wax yeeleeyeen.

  • XEERKA MAARAYNTA DHULKA MAGAALOOYINKA PUNTLAND OO GOLAHA WASIIRADU MEELMARIYEN.

  • wasiirka wasaraadda hawlaha guud,gaadiidka iyo guryaynta oo booqday Gobolka Sanaag.

0

WASAARADDA HAWLAHA GUUD,GAADIIDKA IYO GURYAYNTA PUNTLAND OO BILOWDAY HIRGALINTA WADO KU MEELGAAR AH

       News

Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka & Gureynta Dowladda Puntland ayaa bilowday hirgelinta waddo ay gaadiidka si ku meelgaar ah u isticmaalan ka dib markii Buundada Midi-gar ay wax yeelo ka soo gaartay roobabkii Gu’gga ee ka da’aayey maalmihi la soo dhaafay Puntland. Wasiirka Wasaaradda Mudane. Axmed Bashiir Muuse ( Cirro) ayaa sheegay in guud ahaan wadooyinka roobabkii da’ay waxyeelada u geysteen…… Read More »

0

Wasiirka hawlaha guud, gaadiidka iyo guriyeynta dowladda Puntland Axmed Bashiir Muuse ayaa kormeer ku tegay wadada u dhexeeya Jalam iyo Xarfo.

       News

Wasiirka wasaarada Howlaha guud, gaadiidka iyo guriyeynta DPL mudane, Axmed Bashiir Muuse “Cirro” ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay wadada u dhaxaysa Jalam iyo Xarfo oo qiimayn lagu simaynayo habka loo sameeyey shaqadii hore ee dhismada wadadaas iyo in ay xog kasameeyaan sida loo maamulay dhismaha wadadaas iyadoo ay howsha qiimayntaas samaynayaan khuburo ka socda hay’ada Wanjohi Mutonyi Consult Ltd……. Read More »

0

HAMBALYO

       News

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud, Gaadiidka & Guryeynta Dowladda Puntland Mudane. Axmed Bashiir Muuse ( Cirro) ayaa hambalyo u diray dhammaanba shaqaalaha Wasaaradda Hawlaha guud, Gaadiidka & Guryeynta Dowladda Puntland ee ku sugan Goboladda dalka & sidoo kale dhammaan shaqaalaha Dowladda isaga oo balanqaaday in Wasaaradda si joogta ah u bixin doonto mushaarka shaqaalaha. Wasiirka ayaa sheegay in Shaqaalaha Wasaaradda Hawlaha…… Read More »

0

TACSI: WASIIRKII HORE EE WASAARADDA HAWLAHA GUUD,GAADIIDKA IYO GURYAYNTA PUNTLAND OO GEERIYOODAY

       News / Rules

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud,Gaadiidka iyo Guryaynta Puntland Cabdirishiid Maxamed Xirsi ayaa maanta oo sabti ah kuna beegan 20/4/2019 ku geeriyooday magaalada Garowe ee xarunta Puntland. DHAMMAAN MADAXDA IYO HAWLWADEENADA WASAARADDA HAWLAHA GUUD,GAADIIDKA IYO GURYAYNTA waxay tacsi u dirayaan eheladii iyo qaraabadii, geerida naxdinta leh ee ku timid Allaha u naxaristee Cabdirashiid Maxamed Xirsi, oo magac iyo maamuus weyn…… Read More »

0

Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Dowladda Puntland ayaa Isniinta maanta Garoowe ku qabatay shir ku saabsan xeerka Qandaraasyada Puntland.

       News

Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxda wasaaradda oo uu ugu horreeyo wasiirka, mas’uuliyiinta wasaaradda ee gobolada, xubno ka socday Qandaraasleeyda Puntland, sharci-yaqaanno iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana loo soobandhigay xeerka si ay ugu biiriyaan afkaarta iyo talooyinka ay ka qabaan islamarkaana dib u-habayn lagu sameeyo meelahala’dhaliinsanyahay. Agaasimaha wasaaradda hawlaha guud ee Puntland, Cabdulqaadir Sheikh Maxamuud ayaa…… Read More »

0

Madaxweyne Deni oo kormeeray Wasaaradda Hawlaha Guud,Gaadiidka iyo Guryaynta Dowladda Puntland ee xarunta Garoowe

       News

Maarso 03, 2019, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeer shaqo ku yimid Wasaaradda Hawlaha Guud,Gaadiidka iyo Guryaynta dawladda Puntland ee magaalada Garoowe, waxaana ku wehelinaayey kormeerkiisa saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland. “Madaxweynuhu wuxuu Kula kulmay xarumahaasi masuuliyiinta wasaaraddaha, iyo dhammaan hawl-wadeenadooda, wuxuu Madaxweynuhu dhegaystay warbixino kala duwan oo ay siiyeen shaqaalaha iyo Madaxda qeybaha wasaaradda ee uu…… Read More »

0

OLOLE NADAAFADEED OO LAGU SAMEEYAY WHGG&G

       News

Wasiirka wasaaradda hawlaha guud,gaadiidka iyo guryaynta mudane ,Ahmed Bashiir Muuse wuxuu maanta hogaamiyay olole nadaafadeed oo lagu samaynayay wasaaradda taas oo ay ka qayb qaateen dhammaan shaqaalaha wasaaradda.

0

Dib u Eegis Xeerka Qandaraas-leyda Puntland(Review Contractor Registration Act )

       News / Workshops

Waxaa wasaaradu qabatay 16-17 bisha febraayo Shir dib loogu eegayo xeerka Qandraas-leyda puntland kaas oo guul ku dhammaaday , xeerkan waxaa lagu Dabakhi doonaa Dhammaan qandaraas-leyda puntland sida uu dhigaayo xeerku  sida uu dhigaayo Qodobka 7aad ee xeerku Ma jiri karo qof u ganacsan kara ama u dhaqmi kara sida qandaraasleyda-Dhismaha ku sugan Puntland, mana u soo gudbin karo qofkaasi…… Read More »

0

WASAARADDA HAWLAHA GUUD OO BOSASO KU QABATAY SHIR KU SAABSAN XEERKA MAAREYNTA DHULKA.

       News

Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta Dowladda Puntland ayaa shir wada tashiya oo ku saabsan xeerka maareynta dhulka magaalooyinka Puntland ku qabatay magaalada Bosaso, waxaana shirkaas kasoo qeybgalay  gollaha deegaanka Bosaso, Waaxyaha maamulka Dowladda Hoose, Masuuliyiin ka socda Wasaaradda Hawlaha Guud heer Gobol, Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Maamulka Gobolka Bari, Odoyaasha dhaqanka, Culimo udiin,Saraakiil ka socota Maxkamadaha, Aqoonyahano, Dalaaliinta dhulka iyo Ganacsatada. Shirkaan…… Read More »