0

News

XEERKA MAARAYNTA DHULKA MAGAALOOYINKA PUNTLAND OO GOLAHA WASIIRADU MEELMARIYEN.

11th July 2019 at 9:53 am By

Shirkii khamiislaha ahaa ee golaha wasiirada oo uu shirgidoominayay madaxweyne Deni ayaa maanta meelmariyay xeerka maraynta magaalooyinka dhulka puntland.

Ujeedoyinka Xeerka maraynta magaalooyinka dhulka Puntland waa inuu:-

Fududeeeyo helidda hab taabbo gal ah oo nidaam leh oo lagu maamulo dhulka magaalooyinka.

Horumarinta habka isku dhafan ee qorshaynta dhulka magaalooyinka, dhiirigelinta isticmaal waara ee dhulka iyo ilaalinta xuquuqda shakhsiga ee dhulka.

Maamulidda iyo nidaaminta hantida, goobaha dadweynaha iyo ka hortagidda ku takrifalka isticmaalka dhulka.

Iswaafajinta waajibaadka iyo awoodaha hay’adaha dawliga ah iyo yareynta maamul-xumada la xiriirta dhulka magaalooyinka;

Ka hortagida iyo maareynta khilaafaadka la xiriira dhulka iyada oo la dhisayo hannaan dawli ah oo xaliya khilaafaadka dhulka.

Fududaynta dib u dejinta dadka barakacaayaasha ah.

Kor u qaadida aaminaada dadweynaha ku qabaan maamulka dhulka iyo xakamaynta dhul-boobka.

Leave a Reply